MUQDISHO (Kaab TV) – Danjiraha cusub ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles Nicholas King ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo si rasmi ah u bilaabaya xilkiisa cusub ee Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya.
Sanjiraha cusub ayaa beddelay Michael Nithavrianakis oo xilkan safiirka haayay tan iyo bishii Abriil 2023.
Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa sheegtay in Safiir King uu hoggaamin doono howlaha safaaradda, isagoo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada maamulka, horumarka, amniga, iyo gargaarka bani’aadannimo.
“Waxaaa sharaf weyn ii ah in aan noqdo Safiirka UK ee Soomaaliya,” ayuu yiri King markii uu soo degay,” ayuu yiri safiirka cusub ee King.
“Waxaan rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo la-hawlgalayaashayada Soomaaliyeed si aan u taageerno nabadda, horumarka, iyo barwaaqada. Aan meel dheer wada gaarno. Waad mahadsan tihiin – aan horey u soconno wadajir,” ayuu sii raaciyay safiirka cusub hadalkiisa.
Xilka Safiirnimo ee danjiraha cusub Mr. King ayaa la shaaciyey horraantii sannadkan, iyadoo uu magacaabay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Commonwealth-ka iyo Horumarinta UK (FCDO).

Charles King waa diblumaasi khibrad leh oo horey uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan, Qaza, Masar, iyo Turkiga.
Wuxuu ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK sanadkii 2004, wuxuuna si fiican ugu hadlaa luqadda Carabiga, taas oo muhiim u ah howlaha diblumaasiyadeed ee gobolka.
Imaanshihiisa Muqdisho waxay muujinaysaa sida ay Boqortooyada Ingiriiska uga go’an tahay taageerada xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, xilli ay jiraan caqabado gudaha iyo kuwa gobolka ka jira.
Dhanka kale, Boqortooyada Ingiriiska ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay iskaashiga amniga ee qaaradda Afrika.

In ka badan 22 waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qayb qaatay hawlgalka dhoolatuska iyo tababarka militariga ee loo bixiyay “Justified Accord”, oo ah hawlgal ciidan oo caalami ah oo ay hoggaaminayso Maraykanka, islamarkaana ay taageerayso Boqortooyada Ingiriiska kaasoo bishii Febraayo lagu qabtay Geeska Afrika.
hawlgalka dhoolatuska iyo tababarka militariga ee loo bixiyay “Justified Accord” oo socday intii u dhaxaysay 10–21 Febraayo 2025 ayaa lagu qabtay waddamada Jabuuti, Kenya, iyo Tansaaniya, waxaana ku jiray qorsheynta istiraatijiyadeed iyo tababarro toos ah.
Waxaa tababarkan ka qeyb qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya.
Magacaabista Charles King ayaa imaanaysa iyadoo UK ay dadaal ugu jirto in ay xoojiso saameynteeda qaaradda Afrika, iyadoo diiradda saaraysa iskaashi waqti dheer ah oo ku saleysan dhanka ammaanka.