NAIROBI (Kaab TV) – China ayaa bilawday qorshayaal cusub oo u muuqda kuwo lagu beegsanaayo Somaliland ka dib markii toddobaadkii hore Somaliland iyo Taiwan ay kala saxiixdeen heshiis amniga baddaha iyo horumarinta kheyraadka kalluumeysiga.
Safaaradda China ee Muqdisho ayaa shaacisay kulan ay la yeelatay xubno ka mid ah booliska Muqdisho, kuwaas oo ay safaaradu sheegtay inay kala hadashay “iskaashiga ilaalinta xeebaha iyo difaaca madax-bannaanida Soomaaliya”.
“Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya (@ChineseSomalia) ayaa kulan la qaadatay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya (@SoPoliceForce), iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinaca ilaalada xeebaha,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay barta X ee Safaaradda China.
“Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha iyo Soomaaliya,” ayuu qoraalka intaa ku daray.
Lama caddeyn waxa ay dhab ahaan ka wada hadleen xubnaha booliska iyo safaaradda China.
Soomaaliya weli ma leh ciidan nidaamsan oo ilaalada xeebaha ah, waxaana xeebaha dalka ka hawlgala kooxo burcad badeed oo maraakiibta caalamiga afduuba, halka markaakiibta ciidamada caalamiga ee hawlgalka EUNAVFOR ee bilawday sannadkii 2008 ay gaaf wareegaan xeebaha Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in safaaradda China ay booliska Muqdisho ku tirtirsiisay inay qoraan xubno ka soo jeeda deegaanada waqooyiga (Somaliland) kuwaas oo inta la siiyo hub iyo tababarro laga hawlgaliyo xeebaha Somaliland.
Ilaha ayaa sheegaya in China ay dooneyso inay wiiqdo Somaliland maadaama ay xiriir la leedahay Taiwan oo safaaradeeda ka furatay Hargeysa, isla markaana deeq horumarin oo ay ku jiraan dhismaha waddo muhiim oo ku taalla caasimadda Hargeysa iyo isbitaal casriya ah ugu deeqday Somaliland.
Safiirka China ee Muqdisho, China Wang Yu, ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay xubno ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in China aysan ku jirin waddamada taageera ama ka qeyb qaatay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.
Toddobaadkii hore waxay Safaaradda China sheegtay in heshiiska ilaalada xeebaha ee dhex maray Taiwan iyo Somaliland uu xadgudub ku yahay madax-bannaanida China.
Somaliland ayaa sannadkii 1991 ka go’day Soomaaliya, waxayna xiriir la leedahay Taiwan oo dooneysa inay ka go’do China.
Hase ahaatee war saxaafadeed kasoo baxay Somaliland iyo Taiwan ayaa siyaabo kala gooni ah u difaacay heshiiska ilaalada xeebaha ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.
Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska uusan waxba u dhimeynin China, waxayna Somaliland sheegtay inay tahay maamul madax-bannaan oo heshiisto gali kara.
Taiwain ayaa dhankeeda diidday inay hoostagto China.

Xildhibaano iyo saraakiil Soomaaliya oo loo qaaday China
China ayaa koox xildhibaanno Soomaali ah u qaaday dalkeeda, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb galayaan barnaamij iskaashi Soomaaliya iyo China ah.
Safiirka Soomaaliya ee China, Hodan Osman oo la rumeysan yahay inay dhaqdhaqaaqyada China gacan weyn ku leedahay, ku soo dhawaysay xildhibaannada Soomaaliya iyo saraakiil sare oo Soomaali ah haatan booqasho ku jooga Shiinaha si ay waayo-aragnimo ugu wadaagaan.
“Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo China ee dhanka waaxyaha muhiimka ah,” ayaa lagu yiri war ay baahisay Hodan Osman oo lagu baahiyay baraha bulshada.
Xildhibaannada ayaa ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dhanka gudaha, safaaradda China ayaa dadaal ku bixineysay sidii loo taageri lahaa maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul ka go’ay Somaliland, waxaana Safaaradda China ay deeq raashiin iyo agab u dirtay Laascaanood.
Walaaca ugu weyn ayaa hadda ah in dhaqdhaqaaqyada China ay horseedi karaan degannaansho la’aan deegaanada Somaliland oo muddo dheer lagu yaqaanay deggaan iyo amni.

