HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta si cad u sheegay in Somaliland ay iska difaaci doonto cid kasta oo ku soo gardarroota.
Cabdiraxmaan Cirro, oo ka hadlay xarunta ciidamada Somaliland oo uu booqasho ku tagay, ayaa ku gooddiyay in cid kasta oo “Somaliland ku soo xadgudubto, ama ku gafto, ama ku gardarrooto ay ugu tegi doonaan guryahooda.”
“Inooguma jirin qorshaha, horeyna uguma jirin Somaliland inay cid ku duusho, laakiin waxaan xusuusinaynaa cid kasta oo isku dayda inay Somaliland ku soo xadgudubto, ama ku gafto, ama ku gardarrooto inaan guryahooda ugu tagi doono!.”

