Baledweyne (KAAB TV) – Ciidamada amaanka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Xalay Fiidkii hore toogtasho ku dilay nin la sheegay inuu doonayay inuu weerar ka geysto fariisin ciidamadu ku leeyihiin afaafka hore ee Xaafada Buundaweyn, gaar ahaan Buundada loo yaqaano Buundaweyn.
Ninka toogashada ay ku dileen ciidanka amaanka ayaa la sheegay inuu ku hubeysana oo uu watay bastoolad iyo laba Bam gacmeed oo ah nooca gacanta laga tuuro ah.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in goobta lagu toogtay ninkaan oo la rumeysan yahay inuu ka tirsana kooxda Al-shabaab iney ka baxsadeen laba nin oo kale oo la socotay, kuwaas oo qeyb ka aha weerarka fashilmay.
Ma jirto wax khasaare oo soo gaaray dadka shacab ah, marka laga soo tago dhimashada ninkaan hubeysna, kaasoo Xalay meydkiisa ciidamada iyo dad shacab ah ku jiid jiidayeen xaafado ka tirsan gudaha magaalada Baledweyne.
Goobta Xalay ciidamada amaanka ku toogteen ninka ayaa waxaa horay marar badan xiliyada habeenkii ah uga dhaci jiray weeraro loo adeegsado Bambada noocada gacanta laga tuuro, taasoo