Garoowe (KAAB TV) – Magaalada Goroowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaan maanta oo Isniin ah ka socda howlgal ciidamada booliiska ku raafayaan dadka ajaaniibta ah ee magaaladaasi ku jooga sharciradda.
Sidoo kale, Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Garoowe, ayaana wada howlgalka lagu raafayo dadka ajaaniibta ah ee sharcidaradda ku jooga magaalada, kaddib amarkii kasoo baxay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee maamulka Puntland.
Dhanka kale, Ajaaniibta sharcidaradda ku jooga magaalada Garoowe oo helay xogta howlgalka saakay bilowday, ayaa badankood kasoo bixin guryaha iyo goobaha kale ay degan yihiin, waxa ayna ka cabsi qabaan in la raafo ama xabsi la dhigo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 Janaayo 2025 aysan degaannada Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kireyn karin wax shaqo ahna la siin karin.
Sikastaba, Raafka ajaaniibta kunool magaalada Garoowe, ayaa yimid kaddib markii magaalada Boosaaso dhowr habeen kahor lagu dilay nin ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish, kaa oo xilliga la dilayay miino ku aasayay waddo magaalada kutaalla, waxa uuna falkaasi sidoo kale keenay in Boosaaso laga raafo ajanaiibta.