Dhuusomareeb (KAAB TV) – Ciidanka dowladda ayaa maanta si buuxda gacanta ugu qabtay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud halkaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay ey ku dagaalamaayeen labo Maleeshiyo Beelood.
Sidoo kale, deegaankan iyo tuulooyinka hoostaga ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kadhacay dilalka laxiriira aanooyinka qabiilka, iyadoo halkaas labadii maamlin ee lasoo dhaafay ey isku horfadhiyeen Maleeshiyaadka kala aha Saleebaan iyo Ceyr oo kawada tirsan beesha Habargidir.
Dhanka kale, Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka lawareegay gacan kuheynta Xananbuure ayaa durba kulamo laqaatay odayaasha dhaqanka waxa ayna ciidamada deegaanka ka mamnuuceen in wax hub ah lagu dhax qaato, iyagoona maleeshiyaadka is haya uga digay gacan ka hadal.
Deegaanka Xananbuure waxaa la degay oo ragaadiyay colaad beeleed kusoo noq noqday, waxaana colaadan sabab u noqday ceelal iyo dhul ay isku heestaan labada beel ee wada dega deegaankaasi.
Colaada deegaankan ka taagan ayaa dhawwaan sababtay in labo nin oo ganacsato ahaa aano qabiil loogu dhax dilo magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, raga la dilay ayaana kasoo jeeday beesha degta degmada Cadaado.