MUQDISHO (KAAb TV) -Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidamada amaanka oo fariisin ku leh isgoysyada kala duwan ayaa hakiyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale, waxaa xalay la xaddiday gaadiidka ku sii jeeda Dekedda Muqdisho.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta in sababta loo xiray wadooyinkan ay tahay in la xakameeyo dhaq dhaqaaqa gaadiidka, gaar ahaan kadib markii gelinkii dambe ee shalay Shabaab ay weerar ku qaadeen Godka Jilacow.
Tallaabooyinka amniga ee la xoojiyey ayaa ujeeddadoodu tahay in lagu sugo amniga guud dhacdadan ka dib.
Isgoysyada Sanca, Jardiinka, Siinaay, Foloranza, Aadan Cadde, Howlwadaag, KPP, iyo kuwa isku xira Suuqa Bakaaraha iyo Taleex, Tarabuunka, iyo Banaadir ayaa hadda xiran.
Wadooyinka xiran oo isugu jira dhagxaan, taayaro iyo calaamado kale ayaa muujinaya in la joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Isgoysyada xiran waxaa ka jira ciriiri weyn. Sanadihii u dambeeyay ayaa sidoo kale waxaa xirnaa wadooyinka dhex mara xaafadaha, iyadoo dhowr isgoos oo kaliya ay kaamirooyinka lagula soconaayay dhaq dhaqaaqa gaadiidka. Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira booliis iyo nabadsugid ayaa ku sugan si ay u xoojiyaan xiritaanka.

