Ceerigaabo (KAAB TV) -Guddida Nabadgelyada ee gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyey in xabsiga loo taxaabay in ka badan 50-dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay rabshado ka sameeyeen magaalada Ceerigaabo 25-kii bishan May, dhacdadan ayaa la sheegay in lagu xidhay calan aan Somaliland ka tirsanayn, taas oo keentay in maamulka deegaankaasi tallaabo degdeg ah ka qaadaan.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay socod ku mareen wadooyinka iyagoo sita calanka maamulka Makhir, waxaana taasi ay keentay in ciidamada ay gacan ka geystaan. Gudiga amaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii ku lug yeelata arintaan, waxa ayna waalidiinta ku booriyeen in ay masuuliyad iska saaraan caruurtooda.
“Dadka reer Ceerigaabo qabyaalad laguma kicin karo, qarankani waa qaran weyn, calankii taagnaana waa kii jamhuuriyadda barakaysan, dhammaanteen waxaan u diyaar nahay inaan u dhimanno,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse. waxaa magacaabay madaxweynaha Somaliland.
Guddigu waxay ka digeen cabashooyinka xadhiga ka dib, “Ha cabanina, eedaysanayaasha waxaanu horgeyn doonaa maxkamada, haddii caruurtiina lagu soo eedeeyay, waxay la kulmi doonaan cawaaqib sharci”.