Baladweyne (KAAB TV) – Ciidamada ATMIS Gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti ayaa iskaga guuray manta Guud ahaan Xerada Lama-galaay oo mudo 14 sano ka badan ay daganaayeen xerada . Sababta ugu weyn ee ay ugu guureyn Xerada ayaa ah is qab qabsiga Maamul ee ka jiro Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Ciidamadan ayaa si gaar ah u ilaalin jiray Xarumaha Dowlada ee ku yaalla Xerada Lama-galaay , Gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobolka, Kan Degmada, Maxkamadaha iyo kuwa kale oo ku yaallay xerada lama-galaay.
Xerada Lama-galay ee magaalada baladweyne waxaa Hada ku sugan Ciidamo kala Taabacsan Maamulka Hirshabeelle, Kuwa Hiiraan State iyo Kuwa Xooga dalka Soomaaliya ah. Xiisad aad u Culus ayaa manta ka jirto magaalada baladweyne.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow iyo Ciidamo uu hogaaminayo ayaa manta laga hor-istaagay in ay galaan Xerada Lama-galaay, halkaasi oo saldhig ay ku leeyahiin Ciidamo taabacsan kuwa Hiiraan State ah.
Ilo ku dhow Ciidamada Jabuuti ee manta ka baxay Xerada Lama-galaay ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Amaanka Xerada lama-galaay Sugayay ay ku Jah-wereeren Ciidamada Deegaanka ee Macawisleeyda loo yaqaano oo Xerada Buux dhaafiyay bilahii ugu dambeeyay kuwaas oo wato Hub aad u Culus, taasi oo Amaan daro darted sababtay in ugu dambeeyn ay ka guuraan xeradaasi ciidaamda jabuuti.
Magaalada Baladweyne Amaankeda ayaa aad u xumaaday Mudooyinkii dambe waxaana Magaalada Buux dhaafiyay Maleeshiyaad Hubeeysan oo ay siyaasiinta Maamulka Hirshabeelle kasoo Horjeedo ay wataan.
Maamulka Hirshabeelle ayaa ku guul-dareeystay in ay Xaliyaan Mucaaradka Cusub ee Baladweyne ka abuurmay dhawaan.