SO | EN

SO | EN

Ciidamada Booliska Degmada Wadajir oo Xiray Weriye-yaal

|

Muqdisho (KAAV TV) –Ciidamada booliska ee saldhigga degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xabsiga dhigay weriyeyaasha ka kala tirsan warbaahinta Risaala Media iyo MMTV, xilli ay howlo shaqo ka hayeen degmada, kadib weerarkii hoobiyaasha lagu qaaday xerada Xalane.

Weriyeyaasha la xiray ayaa kala ah Cabdirashiid Cadow Ibraahim Kaamiramaan iyo Abuukar Maxamed Keenaan oo ka tirsan Risaala Media Group, iyo sidoo kale Bashiir Cali iyo Mahad Cabdirsaaq oo ka tirsan MMTV. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weriyeyaashan ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Wadajir, Ma cadda sababta loo xiray.

Xariga weriyeyaashan ayaa dhaliyay walaac dheeraad ah oo ku saabsan xuriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, xilli ay warbaahintu door weyn ka ciyaareyso soo tebinta wararka amniga iyo xaaladaha degdega ah. Hay’adaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa si joogto ah ugu baaqa dowladda in ay dhowrto xorriyadda saxaafadda iyo ilaalinta sharciyada u yaalla warbaahinta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News