SO | EN

SO | EN

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay 10 ruux oo lagu tuhmayo dilal iyo dhac.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen 10-ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falal dil iyo dhac ah oo muddooyinkii dambe ka dhacayay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo uu soo saaray maanta horraantii maanta ayuu ku faahfaahiyay natiijada howlgalladii saacadihii la soo dhaafay laga sameeyay caasimadda.

Howlgalladan ayaa ahaa kuwa si gaar ah looga hortagayo dambiyada abaabulan iyo ka hortagga falalka amni darro ee ku soo badanaya gobolka Banaadir. Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay xarigga raggan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada booliska G/Banaadir iyo laamaha kale ee amniga caasimadda.

“Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliska gobolka Banaadir oo kaashanaya laamaha amniga caasimadda ayaa lagu soo qabtay 10 eedeysane oo falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac u geystay shacabka, kuwaas oo ka dhacay degmooyinka kala duwan ee caasimadda,” ayuu yiri taliska booliiska.

Baaritaano lagu ogaanayo dhaq dhaqaaqyada dadkaan ayaa hada socda, waxaana maamulka uu tilmaamay in shaqsiyaadka la soo qabtay dhawaan la horgeyn doono maxkamada si cadaalada loo horgeeyo.

Booliska ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta ammaanka shacabka Muqdisho, iyagoo sii wada dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha dambiilayaasha ah ee ka howlgala gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News