RUUN-NIRGOOD (KAAB TV)-Ciidamada DF oo gudaha u galay degmada Ruun-nirgood Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo saaka qaaday weerar culus ay gudaha u galeen degmadaasi oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada huwanta ay hadda howlgallo ka wadaan degmada Ruun-nirgoo, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo.
Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka degmada, waxayna ku wajahan yihiin deegaanno kale, sida Hilowle Gaab oo hoostaga Ruun-nirgood.
Ciidamada ayaa horay u gaaray degmadaan, inkastoo markii dambe ay kasoo baxeen, ayna dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka socdaan howlgallo culus.