SO | EN

SO | EN

Ciidamada DF oo ka hortegay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Masagawaa

|

Masagawaa (Kaab TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa laga soo warramayaa inay ka hortageen ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab inta aysan soo gelin gudaha deegaanka ay dagaal kala hortageen ciidamada, kaas oo ka dhacay bannaanka deegaanka, sidaasna waxaa ku fashilmay weerarka, sida ay ku warantay wabaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka inta uu socday khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla-markaana laga dilay dhowr xubnood oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News