Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidamada Puntland, ayaa saakay qaaday howlgal balaaran oo ay ku doonayaan in kooxda Daacish kaga saaraan deegaanno iyo fariisimo ay ku leeyihiin dhulka buuraha ee hoostaga degmada Qandala.
Sidoo kale, ciidamada difaaca Puntland ayaa dhoor jiho ka weeraray aagga Dhasaan ee degmada Qandala, waxa ayna ciidamada doonayaan in aagaan ka saaraan dagaallamayaasha Daacish oo la sheegay in fariisimo ku leeyihiin.
Dhanka kale, ciidamada difaaca Puntland oo hormaro badan ka sameeyay howlgalladii ugu dambeeyay ayaa markii u horreysay u baxay buurihii adkaa ee uu horay uga socday hawlgalka, waxaana la filayaa in ciimada dhul hor leh ka saaraan kooxaga argagaxisada ah.
Saraakiisha ciidanka Puntland ee howlgalka hoggaamineysa ayaa shaaciyay in ciidankooda ay hadda kusii siqayaan degaanno ay ku jiraan Af-cad, Xankookib iyo Dhasaan, deegaanadaan ayaana la sheegay in ciidamada qarka u saaran yihiin in Daacish kaga saaraan dagaal la’aan.
Sikastaba, Ciidamada Puntland ayaa hada heer gebogabo marsiinaya wajiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada mar kale isku diyaarin doonaan howlgallo kale oo lagu soo afjarayo kooxda Daacish.