SO | EN

SO | EN

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgalo ka sameeyay Runirgood.

|

Shabeellaha Dhexe (KAAB TV) –Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka oo abaabulan ayaa howlgalo guulo ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaanka Ruunirgood ee dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay ka sifeeyaan Ruunirgood oo ka tirsan Hirshabeelle.

Howlgalladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda federaalka oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah oo abaabulan oo loo yaqaano Macawisley ay ka fuliyeen deegaanka Ruunirgood ee maamulka Hir-Shabeelle ujeedka howlgalkaasina uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo xasilloonida deegaannadaas kadib xoreynta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen Axadii shalay. Deegaanka ayaa ku yaalla meel istiraatiiji ah oo ku taal xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab todobaadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaalka waxa ay iska caabiyeen weerar ballaaran oo ay kooxdaasi ku soo qaadeen degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh. Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya, 47-askari oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaalka xooggan, kaddib markii ay ciidamada dowladdu heleen xogo hordhac ah oo ku saabsan weerarka kusoo wajahan, kuwaasoo u suuro-geliyay inay si hufan uga jawaabaan.

Xoreynta Ruunirgood ayaa muhiimad gaar ah u leh ciidamada dowladda, waxayna dhabarjab ku tahay dagaalyahannada Al-Shabaab, maadaama ay kooxdaasi ka soo abaabuli jireen howlgallada inta u dhaxeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News