Buula-burte (KAAB TV) – Ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada wadajirka ah ayaa howlgalo ka sameeyay deegaanada Hiilweyn,Aag Bashiir,Biya Madoobe iyo Beera Yabaal oo dhamaantood hoostaga degmada Buulaburte.
Inta badan goobaha ay ciidamada isku dhafka ah ka sameeyeen howlgallada ayaa waxa ay ku yaalaan hareeraha Wabiga Shabelle halkaasi oo la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan weerarada ay ku qaadaan magaalooyinka Buulaburte iyo Halgan ee gobolka hiiraan.
Taliyaha ururka 8-aad ee ururka 18-aad ee gaarka ah ee Gor Gor oo horkacayay howlgalka ayaa tilmaamay in ciidamada isku dhafka ah ay soo qorsheeyeen howlgallada, islamarkaana ay ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana ay la beegsan doonaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ilaa ay gabi ahaanba ka ciribtirayaan gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa isagoo ammaanay askarta dowladda, ciidamada maxalliga ah iyo saaxiibada caalamiga ah ee kooxda ka saaray deegaanno ballaaran iyo deegaanno dhowr iyo toban sano ah ay maamulayeen.

