Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Maleeshiyo deegaanka ah oo ku dilay dagaal ka dhacay Hiiraan in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab

|

BELEDWEYNE (KAAB TV) –Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Macawiisleey ah oo deegaanka ah ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab dagaal culus oo ka dhacay deegaanada Mabaax iyo Gayaacad ee gobolka Hiiraan.

Iska horimaadkan oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo tiro kalena lagu dhaawacay, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo is garabsanaya ayaa sii wada howlgallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka, iyagoo sii xoojiyay howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgallada ay sii laba jibaarmeen toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah ee bixiya sirdoonka, duqeymaha, iyo agabka milatari ee lagu bartilmaameedsado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan iyo xarumaha taliska ee Al-Shabaab.

“Weerarku wuu sii socon doonaa ilaa Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay kaga harsan yihiin gobolka Hiiraan,” ayay yiraahdeen saraakiisha ammaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News