MUQDISHO (Kaab TV) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno hoostaga Magaalada Awdheegle Gobolka Shabeellaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Howlgalkaan ayaa yimid kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Askarta Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay gacanta ku dhigeen deegaanno katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa baaray waddooyinka muhiimka ah si ay uga soo saaraan haddii miinooyin la geliyay, waxa ay sidoo kale hubinayaan Gaadiidka isaga kala gudba deegaannada howlgalladaan xooggiisa ay ka wadaan sida ay sheegeen ilo wareedyo.
Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Awdheegle waxaa dhowaan tagay saraakiil katirsan hoggaanka ciidanka Xoogga Dalka, Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga iyo howlgalka AUSSOM, waxa ay kawada hadleen sidii loo sii kordhin lahaa howlgallada socda.
Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay xoogga soo saareen deegaano ka mid ah gobolka.
Degmada Bariire ayaa ka mid ah meelaha ay bishii June 2025 qabsadeen Al-Shabaab, iyadoo ciidanka AUSSOM iyo kuwa dowladda ay ka saareen markii dambe.
Al-Shabaab ayaa jaray buundada Bariire oo ahayd halbowlaha isku xira degmooyin badan oo ku yaalla Shabeellaha Hoose.

