Baydhabo (KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen deegaano hoostaga magaalada Baydhabo.
Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay tuulooyinka kala ah Kuraaw rooge iyo Dhanbalka oo hoostaga deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.
Howlgalkan oo ay hoggaaminayeen Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad Gaashaale Awul Ibraahim Cabdullaahi ayaa lagu beegsaday xarruumo ay weerarada ka soo qaadi jireen Al-shabaab.
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ia garabsanaya ay sii wadi doonaan howlgalgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Baay.
Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay kordhiyeen howlgalada ay ka sameynayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.