SO | EN

SO | EN

Ciidamada dowladda oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe

|

Mahadaay(KAAB TV) –  Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayay amiga degmada Mahadaay iyo deegaanada ku dhadhaw, waxaana hoggaaminaayay Taliye ku xigeenka Ururka 164-aad Laba Xidigle Daahir Xuseen Jimcaale oo loo yaqaano Kabayare.

Kumaandooska Danab ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey tuulooyinka kala ah Cadalow, Buurfuule iyo Buurane oo dhamaantood hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mana lasoo warin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalada.

Taliye ku xigeenka Ururka 164-aad Laba Xidigle Daahir Xuseen Jimcaale Kabayare oo la hadlay dadka ku nool tuulooyinka howlgalada ay ka fuliyeen ayaa ka codsaday iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka amni darrada ah iyo khatarta kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay wali gacanta ku hayaan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xusid mudan in haatan dowladda Fedaraalka qorsheyneyso sidii ay dib ugula wareegi laheyd deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News