SO | EN

Ciidamada dowladda oo la sheegay inay qabteen Madaxii qaraxyada ee Aaga Camaara

|

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qayta 21-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in meel u dhow deegaanka Camaara ku qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo caafimaadka agaasi, kaasi oo lagu magacaabo Salmaan Daadir.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Sarkaalkaan la qabtay, isaga oo gaari ku sida agabka qaraxyada lagu sameeyo, kuna howlan kala gudbintooda.

Sido kale waxaa ay sheegeen inay ku raadjoogaan Saraakiil kale oo loo sheegay inay ku sugan yihiin aaga degaanka Camaara ee Gobolka Mudug, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen Gobolka Mudug, iyaga oo la wareegay degaano katirsan Gobolkaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News