SO | EN

SO | EN

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegay Bacaadweyne

|

MUDUG  (KAAB TV) -Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamo deegaanka ah oo loo yaqaano Macawisley ay saaka weerar culus ku qaadeen, iyagoo ku guuleystay inay gudaha u galaan oo la wareegaan inta badan magaalada Bacaadweyne ee koonfurta Mudug.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana iska horimaad xooggan kadib ay kooxdaasi isaga baxday magaalada. Ciidamada dowladda ayaa hadda wada howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka sida ay wararku sheegayaan.

Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, ayaa haddana ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac uu khasaare ka soo gaaray dagaalka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxa ay wadeen howlgallo lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab ee gobolka Mudug, taasi oo muujineysa in weli ay socdaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab laga gaarayo inta guul laga gaarayo, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u midoobaan sidii cadowga looga adkaan lahaa, taasi oo muujineysa howlgallada aadka u xooggan ee ciidamadu ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka ay guulo waaweyn ka gaareen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News