Baledweyne (KAAB TV)- Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah oo abaabulan ayaa maanta barqadii waxa ay howlgalo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jariiroow oo dhanka galbeed ka xiga gobolka Hiiraan sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan dowladda.
Ciidamada howlgalka hogaaminaya ayaa tilmaamay in ciidamada ay howlgaladaasi qorsheeyeen ay ku dileen 3-dagaalyahan ee AS ka tirsan, tiro kalana ay ku dhaawaceen waxaana ciidamada ay balan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgalada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanadaasi inta ay gabi ahaanba ka ciribtirayaan gobolka Hiiraan.
Dowladda Soomaaliya oo abaabulan ciidamo maxalli ah oo loo yaqaan Macawisley iyo saaxiibada caalamiga ah ee amniga ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka taasoo keentay in ay ka goostaan dagaalyahannada muhiimka ah ee kooxda Kuwa soo goosta waxaa inta badan lagu qaadaa casharo nafsi ah oo kala duwan ka hor inta aan loo oggolaan inay ku biiraan qoysaskooda iyo asxaabtooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa, isagoo bogaadiyay askarta dowladda, ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee kooxda ka saaray deegaano iyo deegaano badan oo ay maamulayeen dhowr iyo toban sano.

