SO | EN

SO | EN

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jabuuti Oo Soo Badbaadiyay Kalluumaysato Lagu La’yahay Xeebaha Berbera.

|

Jabuuti  (KAAB TV) -Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Jabuuti ayaa si bareer ah u soo badbaadiyay Saddex Kalluumaysato ah oo muddo bil ka badan lagu la’aa Xeebaha Magaalada Berbera.

Laamaha ammaanka ee dalka Jabuuti ayaa soo bandhigay kalluumeysatada la soo badbaadiyay, kuwaasi oo la helay iyagoo ku sii qulqulaya Badda Cas, kaddib markii uu ciladoobay matoorka doonidii ay la socdeen.

Mid ka mid ah Kalluumeysatada oo la hadlay Warbaahinta, ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatadii ay soo mareen.

“Waxa aanu ka tagnay Berbera 6-dii December 2024-kii, cillad farsamo ayaa ku dhacday mishiinkii doonteennii, waxaana badda ku dhex jirnay 29 maalmood ka hor inta aanay na soo samatabixin Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti,” ayuu yidhi.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa xaqiijiyey in kalluumaysatada lagu celin doono magaalada Berbera oo ay ka soo jeedaan si nabad ah.

Badbaadinta ayaa muujineysa doorka muhiimka ah ee Ilaalada Xeebaha Jabuuti ee xaqiijinta badqabka badda ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News