SO | EN

SO | EN

“Ciidamada iyo dadweynaha waxay iiga shakiyaan in aan qarax wado,markii aan marayo baraha kontarooladda

|

Muqdisho (KAAB TV) – Aabe Maxamuud Nuur Maxamed waa Aabe qaba baahiyaha gaarka, waxaa uu hadda ku noolyahay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxa uu markiisi hore kasoo hayaamay Baadiyaha halkaas oo uu xoolo dhaqate isaga ahaa, balse xoolihiisi waxaa ay noqdeen kuwo ku dhamaaday Abaarihii ka dhacay dalka.

Aabe Maxamuud Nuur Maxamed, markiisi hore ee uu sidaan noqonaayay waxa uu inoo sheegay in uusan ku dhalan balse, uu habeen isaga oo geed hoostiisa fadhiya oo xaaja gudanaaya ay halmar dhabarka dambe wax kaga fadhiisteen, wixii markaas ka dambeeyayna ilaa iyo hadda uu sidaan yahay.

Sidoo kale, Aabe Maxamuud Nuur Maxamed, waxa uu leeyahay labo xaas iyo caruur, oo tiradoodu dhantahay 19, mid kamid ah xaasaskiisa waxa uu kaga soo tagay baadiyaha, Aabe Maxamuud, waxa uu sidoo kale, nala wadaagay in uu dhibaato farabadan kala kulmo askarta dowladda oo markii ay arkaan umaleeyaan in uu yahay nin Qarax ku xiranyahay, halka markiisi horana uu ku noolaa Baadiyaha uu sidaan oo kale, dhibaato kala kulmi jiran kooxda argagixisad ah ee Alshabaab.

Aabe Maxamuud waxa uu hadda wajahayaa nolol adag iyo daruufo xun, waxa uu ku nool yahay guri kiro ah, isago inoo sheegay in kirada, biyaha iyo korontada bishaan lagu leeyahay, islamarkaana caruurtiisa aysan heysan wax ay dabka ku shitaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News