KISMAAYO (KAAB TV) -Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwa Birjeex ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka howdka Buula Xaaji waxa ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Inta uu socday howlgalka ayaa lagu dilay labo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid seddexaadna nolosha lagu qabtay Dableyda la qabtay oo dhaawacantay ayaa hadda lagu hayaa isbitaal gaar ah oo ay leeyihiin ciidamada. Maleeshiyaadkan ayaa dhowr maalmood ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ka hor inta aan la ogaan.
“Geesiyada guutada Birjeex ee ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa goor dhow waxay goob howd ah oo dhanka galbeed ka xigta Buulo-Xaaji ka helay saddex nin oo dhagar qabayaal ah labo ka mid ah waa la dilay, midna dhaawac ayaa soo gaaray, kaasoo hadda lagu hayo xabsiga. Isbitaal ciidan oo gaar ah,” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay dowladda.
Howlgalladan ayaa daba socda hadal muhiim ah oo uu todobaadkii hore ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in guul weyn ay ka gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose. In ka badan 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan dhowr horjooge ayaa lagu dilay dagaalladii lagu bartilmaameedsaday Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole.
Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay ka mid yihiin RPG-ga, qoriga BKM-ka, iyo qoryo AK-47 ah.