SO | EN

SO | EN

Ciidamada Kenya oo afar Al shabaab ku dilay degaano hoostaga Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya

|

Garissa(KAAB TV) – Wararka ka imaanaya degaanada Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka taqaluseen Afar nin oo ka tirsan kooxda Al shabaab kadib is rasaaseeyn ciidanka iyo Kooxdaasi ku dhex martay deegaanka Najo iyo Guracho ee ismaamulka Garissa.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Iska horimaadkaan uu dhacay ka dib markii koox si gaar ah u tababaran oo ciidanka Dowladda Kenya ay Hawl-gal Gaar ah ka fuliyeen saldhigyo qarsoon oo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen.

Howlgalkaan waxaa daba socday warbixino sirdoon oo si wanaagsan loo qorsheeyay, sida ay sheegeen booliisku.

Maleeshiyadaan ka tirsaneyd Al shabaab ayaa markii hore waxaa lagu arkay goobta ay ku sugnaayeen diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah, kadibna ay ciidamada dabagaleen oo ay howlgalo ka sameeyeen goobtii ay joogeen.

Rasaas xooggan ayaa la isweydaarsaday, taasoo keentay in afarta Al shabaab goobta lagu dilo.

Waxaa goobta laga soo furtay labo qori oo AK-47 ah, qori PKM ah, rasaas badan, iyo idaacadaha isgaarsiinta.

Booliisku waxay sheegeen in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku doonaayeen inay ku curyaamiyaan dhaq dhaqaaqa Al shabaab ee iyagu weerarada ku dhufow ka dhaqaaqa ka sameeya degaanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News