Ciidamada Kenya oo howlgal ka fuliyay Keymaha Boni

|

NAIROBI  (KAAB TV) – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay Talaadadii in ay dileen 5 ka tirsan Al-Shabaab, intii lagu guda jiray howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen Keymaha Boni ee cufan, ee ku dhow xadka Soomaaliya.

Howlgalka oo laga sameeyay deegaanka Lacta Mangai ayaa qeyb ka ah howlgalka “Amani Boni” oo in muddo ah socday, kaasi oo lagu doonayay in lagu sifeeyo dagaalyahannada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka howdka ah ee ku teedsan gobolka xeebta ee Lamu.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay KDF, ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka ku soo furtay hub iyo agabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, bambooyinka gacanta laga tuuro, rasaas, qalab ku shaqeeya cadceedda, teendho, iyo agabka lagu farsameeyo walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa sheegay in dhowr maleeshiyaad kale ay ku dhaawacmeen dagaalka balse ay u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan. Waxaa socda daba gal lagu raadinayo.

Kenya ayaa weeraro joogta ah kala kulma Al-Shabaab, gaar ahaan gobolada ku dhow xadka Soomaaliya. Kooxdan ayaa beegsatay dadka rayidka ah iyo ciidamada ammaanka, taasoo keentay in Kenya ay xoojiso howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee gudaha iyo taageerada ay siiso ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduudka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News