SO | EN

SO | EN

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa NISA oo howlgallo ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

|

Shabeelaha Dhexe  (KAAB TV) – Howlgal ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa NISA ayaa hadda ka socda deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku howlanaa howlgalladan adag ayaa ciidamadu ay gaareen tuulooyin kala duwan oo ku xeeran deegaanka Xawaadley oo ay horay gacanta ugu hayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.Sida ay sheegeen saraakiisha ilaa hadda wax iska horimaad ah ma dhicin inta uu howlgalka socday.

Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay deegaanada u dhaxeeya Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe si ay u xoojiyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu sheegay maamulka.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada isku dhafka ah ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa NISA ay fariisimo cusub ka sameysteen dhowr goobood oo ay dhibaatadu ka dhacday, si looga hortago in Al-Shabaab ay dib u soo laabtaan ama isku soo abaabulaan, loona xaqiijiyo xasiloonida deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News