JOWHAR (KAAB TV) -Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan xubin ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka oo dhacay dhawaan ayaa waxaa lagu soo qabtay C/llaahi Macalin Cismaan oo loo yaqaano Ilyaas oo muddo ka badan 2 sano ka mid ahaa kooxaha argagixisada.
Howlgalka ayaa ahaa mid looga jawaabayay warar sirdoon oo muujinaya in Ilyaas uu ku dhuumaaleysanayo deegaanka, islamarkaana uu khatar ku yahay bulshada deegaanka iyo xasiloonida gobolka.
Dadaalka ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa muujiyay isku xirnaan heer sare ah iyo sida ay uga go’an tahay in deegaanka laga sifeeyo khatarta argagixisada.
Qabashada Ilyaas ayaa dhabar jab weyn ku ah Al-Shabaab, iyadoo la og yahay inuu udub dhexaad u ahaa dhaqdhaqaaqyada ay kooxdaasi ka wadeen gobolka Sh/dhexe.
Xarigiisu wuxuu shaki la’aan carqaladayn doonaa hawlgallada kooxda, wuxuuna sirdoon qiimo leh u siin doonaa madaxda Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dadaallada ay kaga hortagayso saameynta Al-Shabaab ay ku leedahay dalka, iyadoo taageero ka heleysa bulshada deegaanka iyo saaxiibada caalamka.
Qabashada Ilyaas waxay daliil u tahay waxtarka dadaalladaas iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu heelan yihiin mustaqbal nabad iyo xasilloon.

