Ciidamada Laftagareen oo tiro hoobiyeyaal ah ku garaacay magaalada Baydhabo

|

Jug culus ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta magaalada ay ka dhaceen bannaanbax lagu taageerayo dowladda Turkiga.

Ciidamo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay tiro hoobiyeyaal ah ku garaaceen gudaha magaalada, xilli uu socday bannaanbaxa.

Ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen ee ku sugan magaalada ayaa la sheegay inay kasoo horjeedaan bannaanbaxa lagu taageerayo Turkiga.

Tani ayaa timid kadib markii horay loo sheegay in diyaarado ay leedahay dowladda Turkiga ay duqeyn ka geysteen guriga taliye Shub, oo ku yaalla Doolow. Ciidamada ayaa la sheegay inay diideen bannaanbaxa lagu taageerayo Turkiga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News