Afhayeenka ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Ugaas Xasan Maxamed, ayaa sheegay in laba illaa saddex gaari oo kuwa dagaalka ah maanta lagala goostay ciidamadooda, kaddib markii sarkaal ka tirsanaa uu u baxay dhanka ciidamada daacadda u ah Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kuwaas oo gacanta ku haya magaalada Baydhabo.
Afhayeenka ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu “khiyaameeyay” ciidamadooda isla markaana uu la baxsaday gaadiidka dagaalka. Wuxuu sheegay in dhacdadaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlgalka ay ku doonayaan inay kula dagaallamaan maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
“Waa dhacdo aysan waxba ka beddeli doonin dagaalka socda,” ayuu yiri afhayeenka, isagoo xusay inay sii wadaan diyaargarow ballaaran oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan Baydhabo.
Ugaas Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada taabacsan Laftagareen ay qorsheynayaan inay Baydhabo qabsadaan, isla markaana ay ka saaraan, sida uu hadalka u dhigay, maamulka Aadan Madoobe.
Baydhabo ayaa wajahaysa xiisad iyo dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeya labada dhinac tan iyo dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo Cabdicasiis Laftagareen laga qaaday talada maamulka Koonfur Galbeed.
Laftagareen ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, halka Aadan Madoobe, oo hore u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, loo doortay hoggaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed doorasho dhacday bishii Juun 2026, taas oo ay soo qabanqaabisay dowladda federaalka. Doorashadaas ayaa ahayd mid aanay jirin cid kula tartantay Aadan Madoobe.

