SO | EN

Ciidamada laga soo celiyey dalka Erretrea oo maanta dilal ka gaystay Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) Ciidankii lagu soo tababaray dalka Erretrea ee dhawaan dalka lagu soo celiyey ayaa maanta dad shacab ah dilal ugu geystay magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayey maanta dileen ciidankaas, halka qof kale ay dhaawaceen, waxayna arrintaan magaalada ka abuurtay walaac cusub.

Kolonyo ciidankii dhawaan laga keenay Erretrea oo maanta mareysay isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho ayaa toogtay wiil arday ahaa oo Jaamacad ka yimid.

Wiilka la dilay ayaa la socday mooto Bajaaj, waxaana dilay askari rasaas ku furanayey wadada, sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Mid ka mid ah dadkii goobjoogayaasha  ahaa ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna yiri, “Xasan Sheekh iyo Shuute inta isku tagaan hasoo saareen sharci xakamey kara raggaan argagaxsan oo wax ay ka cabsanayaan aan la garaneyn oo markii ay laba qof arkaan xabad ku ridaya.”

Haweeney kale ayaa tiri “Wax ciidankaan dadka ka ceshanaya malahan, shan shan ayey mootooyinka u saaran yihiin, dadka waa dhacaayaan, waana dilaayaan, waxaan nolol maaha, dowladna ma heyno ilaahey hana dhaafiyo tan.”

Hadallada dadkaas shacabka ah ay maanta warbaahinta u marsiiyeen dowladda ayaa muujinayey quus iyo caro xoog leh oo shacabka ay ka qaadeen dilalka bareerka ah ee ciidanka dowladda ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

Askari kale oo ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray Erretrea ayaa maanta qof kale ku dhaawacay degmada Xamarweyne ee isla Muqdisho, saacado kadib taliska booliska gobolka Banaadir ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan in la soo qabtay askarigii dhaawacay qofka.

Ninka la dhaawacay ayaa darawal ka ahaa gaari xamuul ah, waxaana ku dhacday laba xabadood, sida uu warbaahinta u sheegay aabihiis oo goobta ku sugnaa, ninka dhaawacmay ayaa laga deyrinayey xaaladiisa caafimaad.

Dhowr xarumood ayaa gudaha magaalada Muqdisho laga dejiyey ciidankii lagu soo tababaray dalka Erretrea, waxaana magaalada ku soo badaneysa cabashada ay shacabku ka qabaan, iyadoo lagu eedeynaayo inay geystaan dilal, dhac iyo handadaado kale oo bulshadu aysan ka mudneyn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News