SO | EN

SO | EN

Ciidamada Macawisleyda oo howlgalo ka sameeyay gobolka Galgaduud.

|

Galgaduud (KAAB TV) -Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo maanta ay fuliyeen ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ee Bariga Gobolka Galgaduud, iyadoo la soo sheegayo in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxdaasi, waxaana la sheegay in laga qabsaday hub badan.

Howlgalka ayaa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Gerille oo u dhaxeeya deegaanada Barak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey,sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysa ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada deegaanka oo abaabulan ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo kooxdaasi lagu jabiyay.

Saraakiisha deegaanka ayaa tilmaamay in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay ka qabsadeen hub iyo saanad ciidan.

Muuqaal ay soo duubeen ciidanka howlgallada xoojiyey ayaa muujinayay hubkii ay Al-shabaab kasoo furteen oo uu kamid yahay qori AK47 ah oo ay ku wareejiyeen isla ninkii kasoo furtay kooxda Al-shabaab, si uu ugu dhiirado.

“Waxaan rabaa in ciidamada deegaanka ee abaabulan ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud in si geesinimo leh ay cadawga sidaas oo kale uga hortagaan, qoriguna adigaa iska leh” ayuu yiri sarkaal ka hadlay goobta.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay ciidamada deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ay guulo ka sheegteen gobolka Galgaduud.

Howlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka socda gobollada dhexe, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisley.

Wada shaqeyn naadir ah oo dhexmarta ciidamada dowladda federaalka, saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa gacan ka geystay in laga soo saaro guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhowr goobood oo muhiim ah laga saaray kooxda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News