SO | EN

SO | EN

Ciidamada Mareykanka oo soo riday diyaarad Drone ah oo uu leeyahay Turkiga

|

Syria (KAAB TV) – Ciidanka Mareykanka ayaa qamiistii soo riday diyaarad dagaal oo uu leeyaha Turkiga taas oo ay u arkeen in ey halis kutahay ciidanka Mareykanka ee Syria sida uu sheegay Pentagon-ka.

Sidoo kale, Sooridista diyaarada ayaa timid xili Turkiga uu beegsi kuhayo xoogagga Kurdishta ee Syria oo kadambeysay qarax ismiidaamin ah oo kadhacay dalka Turkiga taas oo ay masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda PKK.

Waqti kooban kadib, diyaarad Drone ah oo uu Turkiga leeyahay ayaa kusoo laabatay aaga Roz waxa ayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka inkastoo ay jiree wax saraakiisha Mareykanka ugu yeereen toboneeyo baaq loo diray dhanka milateriga Ankara.

Dhanka kale, Xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa qamiistii lahadlay dhigiisa Turkey Yasar Guler, isaga oo ugu baaqay in laqaboojiyo xiisada Syria.

Wasaaradda difaaca Turkey ayaa xaqiijisay wada-hadalka labada mas’uul, ayada oo sheegtay in laba sarkaal ay ka wada-hadleen “dhacooyinkii ugu dambeeyey ee Syria.”

Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News