SO | EN

SO | EN

Ciidamada Midowga Afrika iyo saraakiisha Soomaaliya oo ka walaacsan isticmaalka drones-ka qaraxyada ee Al-Shabaab

|

Muqdisho (KAAB TV) -Ciidamada Midowga Afrika iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga walaacsan suurtagalnimada in kooxda Al-Shabaab ay si buuxda u adeegsato drones-ka  lagu rakibo miinooyinka ama loo fuliyo weerarro tooska ah.

Khubarada ammaanka gobolka ayaa uga digay dalalka Geeska Afrika – Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya – in ay si degdeg ah u kordhiyaan maalgelinta difaaca cirka, maaddaama kooxaha xagjirka ahi ay heleen tignoolajiyad casri ah oo horumarsan.

Moses Okello oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Ammaanka (ISS) ayaa sheegay in awoodda cusub ee kooxaha hubeysan, gaar ahaan helitaanka drones-ka wax dila, ay si weyn u dhaawici karto geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Kooxaha hubeysan wax gorgortan ah uguma baahna dowladda haddii ay haystaan drones ay ku fulin karaan weerarro culus,” ayuu yiri Okello.

Warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa muujinaysa in Al-Shabaab ay sanadkii 2024 xiriir la sameeyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen si ay u helaan hub casri ah iyo tababar, gaar ahaan drones-weerar ah. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in kooxda Xuutiyiinta – oo caan ku ah adeegsiga drones-ka lagu beegsado maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas – ay si toos ah uga caawiyaan Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo u maraya tababar iyo agab militari oo ay Iran bixiso.

Sida lagu xusay warbixin ay diyaarisay hay’adda Carnegie Endowment, xeebaha Soomaaliya ayaa noqday marin muhiim ah oo qalabka drones-ka lagu soo geliyo gudaha dalka, iyadoo khatartu sii kordheyso.

Taimur Khan oo ka tirsan hay’adda Conflict Armament Research ayaa sheegay in qaar ka mid ah FPV drones-ka (first-person view) laga farsameeyo gudaha Yemen, inkastoo qaybohood laga keeno dalka Iran. Drones-kan ayaa loo adeegsadaa kormeer, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro toos ah. Waxaa la rumeysan yahay in Daacish Soomaaliya ay horay u isticmaashay noocan.

Qaramada Midoobay waxay intaas ku dartay in lixdii bilood ee la soo dhaafay la qabtay shan drone oo is-qarxin ah oo la tuhunsan yahay in Xuutiyiintu u direen Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la xiray toddobo qof oo lala xiriiriyay Al-Shabaab iyo Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News