SO | EN

SO | EN

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka Al-Shabaab kala oo wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan Hiiraan

|

ABOOREEY (KAAV TV) –Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan waxay ay ka sameeyeen deegaano u dhaxeeya Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.

 

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaanadaasi, kuwaas oo doonayay in ay weeraro qaadaan sida ay wararku sheegayaan.

 

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay heleen xogo ku aadan dhaq dhaqaaqyada maleeshiyaadkan, taasi oo u sahlaysa in ay ku guuleystaan ​​fulinta howlgalka, islamarkaana ay la wareegaan goobihii ay ku sugnaayeen saraakiisha Al-Shabaab.

 

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Yasooman iyo Aboorey ku sugnaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay iska kaashadeen dadaallo dib loogu soo celinayo gacan ku heynta.

 

Dagaalo dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen deegaanka Aboorey, waxaana ciidamada ay ku dadaalayaan sidii ay si buuxda u sugi lahaayeen ammaanka deegaanka. Si kastaba ha ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo weli xaqiijinaya xogta rasmiga ah ee ku aadan howlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka wadaan gobolka Hiiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News