SO | EN

SO | EN

Ciidamada Milatariga Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Doon Hubka Sharci Darada Ah waday oo Ku Wajahneyd Magaalada Baraawe.

|

BARAWE(KAAB TV) –  Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugida ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaan ku dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku soo qabteen dooni ay saarnaayeen hub fudud.

Doontan oo ku soo xiratay xeebta degmada Baraawe oo aan la ogeyn halka ay u socotay ayaa ciidamada ay qabteen, waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay saddex qof oo looga shakiyay inay wateen hubka la qabtay.

Laamaha ammaanka ayaa hadda baaritaan ku haya halka loo waday hubkan sharci darrada ah, kaasoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Inkastoo dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gobolkaasi oo ay hore weeraro uga fuliyeen qeybo ka mid ah deegaanada Sh/Hoose, ayaa haddana waxaan la ogeyn cidda hubkaasi la damacsanaa in la geeyo.

Gobolka ayaa sidoo kale waxaa ku sugan maleeshiyo beeleedyo colaado ku dhex maray qeybo ka mid ah deegaanada Sh/hoose oo isku adeegsadey hub sharci darro ah.

Dhacdadan ayaa muujineysa hubka sharci darrada ah ee dalka ka socda, kaasoo ay heystaan ​​dad gaar ah, maleeshiyaad iyo kooxo hubeysan.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada milateriga Soomaaliya ku doonayaan in ay kaga hortagaan hubka sharci darrada ah ee ku soo badanaya gobolka iyo sugidda amniga gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News