Berdaale (KAAB TV) -Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, ayaa hawlgal lagu guuleystay waxa ay ka sameeyeen Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, iyadoo weerarkaasi lagu dilay horjooge ka tirsanaa Ururka Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Macallin Qaaddiid.
Sida ay sheegeen laamaha ammaanka howlgalka oo dhacay barqanimadii maanta ayaa waxa uu salka ku hayay xog sirdoon oo muujineysa in Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaankaasi. Intii uu socday weerarka, “ciidamada ammaanku waxay dagaal ku qaadeen maleeshiyada, iyagoo ka takhalusay Qaaddiid, waxayna qabsadeen hub iyo agab kale oo kooxda.” Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay.
Mas’uuliyiinta ayaa howlgalkan ku tilmaamay guulo la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo wali ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya. Saraakiisha amaanka ee degmada Berdaale ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgalkan uu qeyb ka yahay sidii loo ciribtiri lahaa deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab iyo in la carqaladeeyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Baay.
“Sida lagu guuleystay ciribtirka hogaamiyahan muhiimka ah ee mintidiinta ah waxay dhabar jab weyn ku tahay howlgallada Al-Shabaab ee gobolkan, waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ku doonayno inaan xididdada ugu siibino argagixisada, isla markaana aan sugno amniga dadkeenna,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka.
Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada amniga gudaha iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Kooxda xagjirka ah ayaa la kulmay cadaadis isa soo taraya iyadoo ciidamada amaanka ay dib u soo ceshadeen deegaano istiraatiiji ah oo ay horey gacanta ugu hayeen.
Dhanka kale saraakiisha ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago weeraro kale oo kooxdaasi ay geystaan.