GAROWE (Kaab TV) – Ciidamada Puntland ee ka qeyb qaadanaya hawlgalka la dagaallanka argagixisada ee ka socda buuraha Cal Miskaad ayaa maanta oo Jimce ah galay Togga Miiraale.
Togga Miiraale oo ku yaalla Cal Miskaad ayay saraakiisha hawlgalku sheegeen inuu ahaa godad ay ku dhuuntaan kooxda Daacish (ISIS Somalia), oo ay ciidamada dagaal adag kula jireen.
Ciidamada Puntland ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay godadka ka saareen kooxihii argagixisada ee ku dhuumaaleysanayay.
Hawlgalkan ayaa hadda ku jira wajigii saddexaad.
Hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa bilawday bishii December 2024, waxayna maamulka Puntland sheegeen in hadda deegaanada buuralayda badankood laga sifeeyay kooxda Daacish.
Dowladda Mareykanka ayaa hawlgalkan kaga qeyb qaadatay duqeyn dhanka cirka ah, halka Imaaraadka Carabta ay ku deeqeen agab iyo dhaqaale.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale gacan ka geystay hawlgalkan.
ISIS Somalia ayaa la rumeysan yahay inay saldhigeeda ugu weynaa uu ku yaalla buuraleyda gobolka Bari ee Cal Miskaad iyo Cal Madow.
Sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo ku xiran shabakadda Al-Qaacida ayaa fariisimo ku leh Cal Madow iyo buuraleyda Golis.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bishii December sheegay in marka uu dhammaado hawlgaka Cal Miskaad, ay ciidamadu u gudbi doonaan buuraleyda Cal Madow si looga saaro kooxaha xagjirka ah.