Bakool (KAAB TV) -Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban oo socday. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno deegaanka Rulo cade oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur guutada 9-aad ee ciidanka qaranka qaybta 60-aad ee ciidanka qaranka.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa inta uu howlgalka socday waxa ay beegsadeen xero ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaasi oo la sheegay in lagu tababarayay. Is rasaaseyn kooban ayaa dhacday ka hor inta aysan ciidamada dowladda la wareegin goobta. Shaqsiyaad dhowr ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo qab qabtay howlgalladaasi, waxaana la geeyey xero ciidan si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
War kooban oo ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in goobtaasi ay markii hore ahaan jirtay Xero ay ku tababari jireen Kooxda Al-Shabaab, balse hadda la xaqiijiyay in la sugay, isla markaana ay dib u soo ceshadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Dowladdu waxay ammaantay guulaha laga gaaray howlgalka oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu wiiqayo joogitaanka Al-Shabaab ee gobolka.
Gobolka Bakool ayaa bilihii ugu dambeeyay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay sii wadaan dadaallada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyo inay dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaanada ay saameynta ku yeesheen. Howlgalka ayaa astaan u ah tallaabo kale oo Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku soo celiso xasiloonida gobolka.
Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanayaasha la soo qabtay iyo howlgallada daba-galka ah ayaan la helin, balse warar hoose ayaa sheegaya in dadaallada amniga ee dowladdu ay u badan tahay inay sii socon doonaan maalmaha soo socda.