Laascaanood (Kaab TV) — Ciidamada jabhadda Sool ee ka dagaalamaya Laascaanood ayaa ku dhawaaqay in muddo bil gudaheed ay magaalada Laascaanood aga saareen ciidamada maamulka Somaliland, sida ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalka.
Sheekh Aadan Wali oo ka mid ah odayaasha deegaanka Sool ayaa sheegay in hadda dagaalka uu ku jiheystay saldhigga ugu weyn ciidanka Somaliland ee Gooja Cadde, halkaasoo dhammaan ciidamada jabhadda ay ku jiheysan yihiin.
“Waxaynu Somaliland kaga saarnay Laascaanood mudo bil ka yar. Haddana Gooja Cadde haddey ka bixi waayaan halkaasaa lagu madhinayaa. Allena wuu nooga hiiliyey,” ayuu yiri
Sheekh Aadan Wali.
Afhayeenka odayaasha Sool ayaa sheegay in dagaalka ka socda Laascaanood uusan joogsan doonin illaa inta dadka gobolka Sool ay kala wareegayaan talada magaalada Laascaanood.
Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa toddobaadkii hore soo xoojiyay ciidamada kaga sugan saldhigyada ku hareereysan Laascaanood oo uu ku jiro saldhigga Gooja Cadde.
Waxaa weli yar rajada laga qabo in dagaalka Laascaanood uu joogsado iyadoo dhinacyada SSC iyo Somaliland uu mid kasta helaayo gurmad ciidan iyo hub uga kala imaanaya dhinacyo kala duwan.