Muqdisho (KAAB TV) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Hirshabelle, gaar ahaan Galbeedka Gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Sheekh Abuukar Maxamed, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu Sheekh Abuukar ku faah faahiyay in ciidamada xoogga ay u saarayaan xoreynta deegaannada ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab ee ka tirsan maamulka Hirshabelle. “Ciidankeenu waxa ay ku sii qulqulayaan meelaha laga yaqaano Al-Shabaab in ay ka howlgalaan, iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay meesha ka saaraan oo ay gacanta dowladda soo celiyaan,” ayuu yiri.
Afhayeenku wuxuu carabka ku dhuftay in Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka mid yihiin gobolladii ugu horreeyay ee Al-shabaab ay dib u dhacyo waaweyn kala kulmeen, isagoo xusay inay ahaayeen goobo xasaasi ah oo ay ka socdaan wejiga koowaad ee ololaha xoreynta guud ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Haddalka Sheekh Abuukar ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul laga dareemayo goboladaasi, taasi oo muujineysa in si adag looga jawaabayo khatarta Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad la doonayo in aan lagula dagaallamin maleeshiyaadka balse sidoo kale lagu xaqiijinayo amniga iyo dowladnimada waarta ee goobaha la xoreeyay.
Duullaankan ayaa la socda dadaallada ballaaran ee heer qaran iyo mid caalami ah oo lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynta Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh al-Qaacida oo Soomaaliya ku habsatay sannado badan dagaallo, argagixiso iyo caqabado dowladnimo.