SO | EN

SO | EN

Ciidamadii isku soo dhiibay dowladda Federaalka oo Muqdisho lakeenaayo

|

Kismaayo (KAAB TV) – Ciidamadii isku dhiibay dowladda federaalka Soomaaliyaa ee kasoo goostay maamulka jubbaland gaar ahaan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in laga soo dejiyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay diyaarad u dirtay ciidamadaasi, si loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo soo dhoweyn loogu sameyn doono.

Dhanka kale, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadan la siin doono abaal-marin iyo xuquuqaad kale oo ay kamid yihiin mushaaraad iyo dalacsiin.

Dowladda federaalka ayaa ciidamada kale ee Jubbaland ugu baaqday inay isaga soo taagaan halka ay joogaan, ayna isku soo dhiibaan dowladdooda.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan isku dhiibay dowladda oo dhankooda lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka.

Waxana sheegeen in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya, si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda.

Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan, ilaa 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn.

Arrintan u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashada Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News