Beledweyne (KAAB TV) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay askartii katirsaneyd ciidanka xogga dalka ee dhawaan aano qabiil loogu dilay degmada Ceel-Baraf ee gobolka shabeellaha dhexe.
Sidoo kale, aaska waxaa ka qeybgalay taliyaha ciidanka xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidanka nabadsugida Cabdullaahi Sanbaloolshe, ugaaska beesha Xawaadle iyo mas’uuliyiin ka kala socotay DF iyo maamulka Hirshabeelle.