Beledweyne (Kaab TV) –Ciidamo cusub oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti, ayaa si rasmi ah u gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan howlgallo amni oo ay ka fulin doonaan magaalooyinka Beledweyne iyo Bulo Burde.
Ciidamadan oo ah Guutada 13-aad, ayaa beddelay Guutada 11-aad oo muddo howlgallo ka waday deegaanada Beledweyne, Dhuusamareeb iyo Bulo Burde, isla markaana hadda soo gabagabeysay waajibaadkoodii shaqo.
Munaasabad lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne ayaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyay ciidanka cusub, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Guutada 13-aad, Col. Axmed Aadan Cabdullaahi, Waxaa halkaasi ku qaabilay Taliyihii hore ee Guutada 11-aad, Col. Maxamed Cumar Saciid, iyo saraakiil kale oo ka tirsan AUSSOM.
Col. Axmed Aadan Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidankiisu ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, ayna sii xoojin doonaan dadaallada lagu sugayo amniga, iyagoo si dhow ula shaqeyn doona shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhankiisa, Col. Maxamed Cumar Saciid ayaa ku dhiirrigeliyay ciidanka cusub inay sii wadaan dadaalladii wanaagsanaa ee ay sameeyeen ciidankii hore, gaar ahaan la shaqeynta bulshada deegaanka iyo taageeridda nabadda.
Kadib munaasabadda wareejinta, qeyb ka mid ah Guutada 13-aad ayaa loo diray magaalada Bulo Burde si ay halkaas uga bilaabaan howlahooda, halka Guutada 11-aad ay dib ugu laabteen dalkooda Jabuuti.
Isbeddelkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha joogtada ah ee AUSSOM ay ku beddesho ciidamadeeda si loo ilaaliyo tayada howlgalka iyo dardar gelinta sugidda amniga dalka.

