SO | EN

SO | EN

Ciidamo dheeraad ah oo Dowladda Federaalka maanta geysay Magaalada Raaskambooni.

|

KISMAAYO(KAAB TV) – Ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dalka oo xoojinaya ciidankii horey loo geeyay Magaalada Xeebta leh ee Raaskambooni ayaa saakay gaaray Magaaladaas, Diyaarado wada Ciidankaas, Gaadiid Dagaal iyo saanad kale ayaa caga-dhigtay Garoonka Diyaaradaha Magaaladaan.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in Magaalada Raaskambooni ay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay halkaas kulamo ula yeeshaan Ciidanka Federaalka iyo kuwa dhowaan is dhiibay ee DG Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo katirsan Kumaandooska Gorgor waxaa wehliya ciidan kooban oo ah Booliiska Gaarka u tababaran ee Haramcad kuwaas oo saldhigyo ka sameystay Magaalada Raaskambooni Gobolka Jubada Hoose.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa salkeedu yahay qabsoomidda Doorashadii dhowaan ka dhacday Magaalada Kismaayo, Dowladdu waxa ay ku doodday in Dalka ay ka dhaceyso Doorasho Qof iyo Cod ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News