SO | EN

SO | EN

Ciidamo fara badan oo katirsan ciidanka Somaliland oo duulaan kusoo ah Laascaanood

|

Laascaanood (KAAB TV) – Ciiidamo fara badan oo ka tirsan milateriga Somaliland ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney xalay u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidankan oo wata gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ay ka soo talaabeen degaanka Oog.

Sidoo kale, Muuse Biixi oo shalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa wacad ku maray in ciidamadiisu ay ka aargudan doonaan xooggaga SSC ee shalay ka soo saaray nawaaxiga magaalada Laascaanood jabka xooggana gaarsiiyey.

Dhanka kale, Ciidamada Somaliland ayaa jab aad u xoogan waxaa uu ka soo gaaray dagaalkii Jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, waxaana looga qabsaday saldhigoodii ugu weynaa ee Goojacadde, hub fara badan oo gaadiid dagaal u badan ayaa laga furtay, askar badana waxay noqdeen wax dhintay, wax dhaawacmay, kuwo firxaday iyo qaar maxaabiis ahaan loo qabsaday.

Weerarka ciidamada Somaliland ee duulaanka soo ah ayaa  gaaray magaalada Laascaanood, waxaana socda abaabul xoogan oo xoogaga SSC ku doonayaan iney iskaga caabiyaan duulaanka ku soo wajahan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News