Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa saakey gabi ahaanba xiran wadooyinka soo gala Suuqa Siinay, halkaaso oo ay ka socoto howlo bur burin ah oo ay kawadaan ciidamo dowladda ka amar qaata.
Sidoo kale, dadka deegaanka ee xaafada Siinaay ayaa ku waabariistay ciidamo daadsan xaafadahooda iyo Suuqaba, kuwaas oo wata gadiidka dagaalka, waxa ayna gabi ahaanba xireen wadooyinkii Suuqa iyo xaafadaha, iyadoona isku socodkii dadweynaha loo diiday saakey.
Dhanka kale, Ciidanka ayaa hakiyay isku socodkii Gaadiidka ee Waddada Wadnaha, iyagoo jidka ka xireen inta u dhaxeysa Afarta Jardiin ilaa Foloronsa, waxaana dadka loo diiday in ay gudaha u galaan suuqa Siinaay.
Sikastaba, labo maalin kahor ayay aheyd markii ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo qaarkood la socday Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay tageen Suuqa Siinaay, halkaas oo ay dadkii deganaa kula hadleen, iyagoo watay ciidamo farabadan, ujeedka tagistooda Suuqa Siinaay ayaana ahaa in aan laduminin Suuqaas.

