SO | EN

SO | EN

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo xirtay aagga madaxtooyada Puntland

|

Garoowe (Kaab TV) – Faahfaaino dheerad ayaa kasoo baxaya gobolka nugaal in maanta laga dareemayo xaalad kacsanaan aha kadib markii maanta magaalada Garoowe lagu arkay ciidamo wato gaadiidka dagaalka.

Ciidanka lagu arkay wadooyinka waa ween ee magaalada Garoowe ayaa lasheegayaa in ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan iyagoo xirtay wadooyinka gala madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Ciidankan ayaa hakiyay isku socodka dad weynaha iyo gaadiidka sidoo kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay difaacyo ka sameysteen wadadda dhexdeeda.

Ciidankan ayaa lasheegay qaar kamid ah in ay katirsanyihiin ilaalada madaxtooyada Puntland kuwaas oo ayagana ka gadoodsan mushaar la’aan waxeyna xukuumada ka dalbadeen in ay helaan xuquuqdooda oo ka maqan dhowr bilood oo xiraar ah.

Sidoo kale ciidankan ayaa isku fidiyay wadooyinka gala Wasaaradaha iyagoo celinaya shaqaalaha iyo masuuliyinta ka howl-gala Wasaaradaha waxaana taasi ka dhashay caqabado shaqo.

Saraakiil u hadashay ciidankan ayaa fariin udiray maamulka Puntland, iyagoo sheegay hadii lasiiyo xuquuqda ka maqan ee mushaaraad kooda ah in ay furi doonaan wadooyinka magaalada Garoowe ee caasimada dowladd goboleedka Puntland.

Hasayeeshee shalay ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamo kacabanaya mushaar la’aan ay xirteen dekadda magaalada Boosaaso, talaabooyinkan ayaa imaanaya xili Puntland laga dhaqan galiyay doorasho qof iyo cod ah oo lagu qabtay deegaanada Puntland ee caasimada Garoowe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News